Sida ay warbixintu muujisay , guud ahaan dadwaynaha Jabuuti waxay ku noolyihiin magaalooyiinka 84.3% taas oo ku qasbaysa dowladda inay la timaado qorshe lagu maareeynayo hab nololeeda dadka iyo qaab dhismeedka magaalooyinka.
Warbxiinta ayaa sidoo kale lagu xusay in celcelis ahaan tirada qoysku ay tahay 6 qof, iyada oo dadwaynaha Jabuuti ay u badantihiin dhallinyaro lagu qiyaasy dhexdhexaadka da'dooda 25 sano.
Dhallinyarada ayaa lagu tiriya awoodaha dowladaha haddii loo maareeyo sida ugu habboon loona fududeeyo waxbarashada iyo shaqa abuurka.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda INSTAD Dr. Ibraahim Cabdi ayaa sheegay in tirakoobkan uu ka dhiganyahay tillaabo lagama maarmaan ah oo looga faa'iideysan karo qorsheynta iyo horumarinta siyaasadaha guud ee dalka .
Agaasimaha ayaa intaas raaciyay in xogta lasoo bandhigay ay u fududeyn doonto mas'uuliyiinta dowladda inay qaataan go'aano ay uga fikireen si qorsheysan kuwaas oo ka jawaabaya baahiyaha gaarka ah ee dadwaynaha.