Nairobi (Dawan)- Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay korortay tirada dadka ku dhintay fataahada ka dhashay roobabka mahiigaanka ah ee ka da'aya Gobollada kala duwan ee dalka.
War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in 76 qof ay ku dhinteen fatahaadaha halka ay ku barakaceen in ka badan 5,000 qoys oo inta badan ku nool Gobollada Waqooyi ee dalka.
Iyada oo laga jawaabayo saameynta ka dhalatay fatahaadaha ayay xukuumaaddu ku dhawaaqday in loo qoondeeyay 7 bilyan oo shilin ($46 milyan) oo loogu talagalay gurmadka bini'aadantinimo ee wax loogu qabanayo dadkii dhibaatdu kasoo gaartay roobabka.
Gobollada Waqooyi-Bari iyo Gobollada Xeebta ayaa ah deegaanada ugu badan ee ay soo gaartay saameynta ugu daran, sida uu sheegay Af-hayeenka Aqalka Madaxtooyada Kenya, Xuseen Maxamed.
Ismaamulada Waqooyi Bari ee Wajeer, Mandhera, iyo Garissa waxaa ka dhamaaday adeegyadii muhiimka ahaa sida cuntada, caafimaadka, iyo shidaalka, taas oo sababtay sicir barar iyo in dadku waayaan koronto.



