Jabuuti (Dawan)- Warbixin cusub oo ay soo saartay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa muujisay inay korortay tirada muhaajiriinta Itoobiya ee u gudbaya dhanka Jabuuti sanadkan 2024. Muhaajiriintan ayaa inta badan ka gala Jabuuti xuduudaha Balho, Galafi, Dikhil, iyo Cali-Sabiix.
Intii u dhaxaysay bilaha June iyo October 2024, tirada la diiwaangeliyey ee muhaajiriinta ayaa korortay 26%, iyadoo tirada bishii June ahayd 18,000 waxayna bishii October gaartay 22,600. Guud ahaan, hay’addu waxay diiwaangelisay in 184,720 qof ay Jabuuti galeen sannadka 2024, taas oo ah koror dhan 82% marka loo barbardhigo isla muddadaas sannadkii hore.
Warbixinta IOM ayaa sidoo kale tilmaantay tirakoob faahfaahsan oo ku saabsan dadkaas, iyadoo sheegtay in 69% ay yihiin rag, halka 25% ay yihiin haween. Carruurtu ayaa ka dhigan 6%. waxayna u kala qaybsamaan 4% oo ah wiilal, halka gabdhuhu ay yihiin 2% tirada guud.






