Alaska (Dawan) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Jimcihii sheegay in wadahadalladoodii ka dhacay Alaska ay ahaayeen “horumar weyn,” hase yeeshee ay qirteen inaan heshiis laga gaarin sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Ukraine.
Labada hoggaamiye ayaa qaatay kulan in ka badan saddex saacadood albaabada xirnaayeen iyagoo ku sifeeyeen kulanka mid miro-dhal ah. Trump ayaa weriyayaasha u sheegay in wadahadallada la isla meel dhigay “qodobo badan,” inkastoo arrimo waaweyn oo xasaasi ah ay weli taagan yihiin.
“Ma jiro wax leysku raacey ilaa heshiis la gaaro,” ayuu yiri Trump, isagoo intaa ku daray inuu wargelin doono Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy iyo hoggaamiyeyaasha Yurub natiijada wadahadallada. “Ma aanan gaarin heshiis, laakiin fursad aad u wanaagsan ayaan u leenahay inaan gaarno,” ayuu yiri, isaga oo aan shaacin caqabadda ugu weyn ee hortaagan heshiiska.



