Washington (Dawan) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay dib u eegayso arrinta aqoonsiga diblomaasiyadeed ee Somaliland, kaddib warbixino sheegaya in Somaliland ay muujisay diyaar u ahaanshaha inuu qaabilo Falastiiniyiinta ka barakacay Gaza haddii Maraykanku aqoonsado madaxbannaanideeda.
Su’aashan ayaa lagu waydiiyay shir jaraa’id oo ka dhacay Aqalka Cad Jimcihii (8-da Agoosto), halkaas oo Trump uu ku martigeliyay shir nabadeed hoggaamiyeyaasha Armenia iyo Azerbaijan.Su’aal: Waxaad ka hadashay dib-u-dejinta dadka reer Gaza. Dalka Somaliland wuxuu muujiyay xiisaha inuu qaabilo haddii aad aqoonsato madaxbannaanideeda. Ma u janjeertaa inaad sidaas samayso?
Trump: “Waxaan hadda eegaynaa taas, su’aal wanaagsan runtii; waa mid kale oo adag sida aad ogtahay, balse taas Somaliland hadda waan ka shaqaynaynaa.”
Jawaabta kooban ee Trump ayaa ka fogayd jawaab toos ah , balse waxay ahayd mar dhif ah oo uu si cad ugu hadlay Somaliland, oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya 1991, balse aan weli si caalami ah loo aqoonsan.







