Washington (Dawan)- Musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump oo khudbad ka jeediyay xarunta ololihiisa doorashada ayaa sheegtay inuu ku guuleystay doorashada madaxtinimo, inkasta oo weli ay socdaan tirinta codadka.
Trump waxa uu helay codad gaaraya 267 oo ka mid ah 538 ka cod ee go’aamiya qofka noqonaya madaxweynaha halka ay Kamala Harris oo heshay ilaa iyo hadda 224 cod.



