Doxa (Dawan)- Dowladaha Turkiga iyo Qatar ayaa maanta oo Isniin ah kala saxiixday 12 heshiis oo dhinac kala duwan ah si kor loogu qaado iskaashiga adag ee ka dhaxeeya labada dal.
Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa iyada uu Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan booqasho ku joogo dalka Qatar si uu uga qeyb galo shirka sagaalaad ee guddiga istaraatiijiyadda sare ee labada dal.
Labada dal ayaa kala saxiixday war-murtiyeedkii ugu dambeeyay ee shirkii 9-aad ee Guddiga Istiraatiijiyadda Sare ee Turkiga iyo Qatar.
Heshiisyada iskaashiga ee la kala saxiixday waxaa ka mid ahaa dhinacyada siyaasadda, dhaqanka, militariga, gargaarka bini'aadantinimo iyo dhinacyada shaqada.



