Jabuuti (Dawan)- Dowladda Turkiga oo hadda gacanta ku heysa faylka khilaafka Sooomaaliya iyo Itoobiya ayaa qorsheyneysa inay is waafajiso ilaalinta qaranimada Soomaaliya iyo in Itoobiya ay hesho marin badeed ay u adeegsato deked.
Sidaas waxaa sheegay Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Hakan Fidan oo ku sugnaa labadi maalin ee lasoo dhaafay dalka Jabuuti isaga oo ka qayb galay shirki seddexaad ee dib-u-eegista wasiirrada ee iskaashiga Afrika iyo Turkiga.
Hakan ayaa sheegay in dalkiisu uu wado dadaallo aan kala joogsi lahayn oo uu ku doonayo in lagu xalliyo khilaafka hadda ka dhex jira Itoobiya iyo Soomaaliya, si loo gaaro heshiis guud oo ku habboon labada dhinac.
Wasiirku waxa uu intaas ku daray inay lagama maarmaan tahay in laga gudbo caqabadaha taariikhiga ah ee culeyska ku haya madaxda labada dal, si loo gaaro go'aano ka tarjumaya dhibaatada hadda taagan. Fidan waxa uu nuxurka heshiiska ku tilmaamay in shuruud la'aan loo aqoonsado madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyada oo ay Itoobiyana si nabad ah ku gaareyso badda.



