Ankara (Dawan)- Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay qaraarkii Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ee qeexayay in muddo sanad dheeri ah loo kordhiyo Ciidamada Badda Turkiga ee ku sugan Gacanka Cadmeed, nawaaxiga Badda Carabta iyo xeebaha Soomaaliya.
Qaraarka ayaa lagu sheegay in ciidamada badda Turkiga ee ka howlgala Gacanka Cadmeed, nawaaxiga Badda Carabta iyo xeebaha Soomaaliya in ay si hufan ula wareegeen ilaalinta badqabka maraakiibta ganacsiga ee wata calanka Turkiga ama ku xiran Ankara, tan iyo 10-kii February 2009-kii.
Qaraaarka ayaa sidoo kale tilmaamaya sida ay Ciidamada Turkigu uga qeyb qaataan halganka wadajirka ah ee beesha caalamku kula dagaalameyso burcad badeedka iyo kooxaha kale uu hubeysan kuwaas oo halis ku ah isu socodka ganacsiga caalamiga ah.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa baarlamaanka Turkiga u gudbiyay mooshin uu ku dalbanayo in muddo hal sano ah loogu kordhiyo ciidamada badda Turkiga ee ka howlgala Gacanka Cadmeed, nawaaxiga Badda Carabta iyo xeebaha Soomaaliya.


