Ankara (Dawan)- Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Jimcihii horgeeyay Baarlamaanka Turkiga mooshin uu ku dalbanayo in la ogolaado in ciidamada Turkiga la geeyo badda Soomaaliya.
Tillaabadan ayaa daba socota heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah ee ay wada saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya bishii February, kaas oo ujeeddadiisu ahayd in lagu xoojiyo awoodda difaaca badda Soomaaliya iyo in la dhiso ciidan badeed oo ay Soomaaliya leedahay.
Labada dowladood ayaa gaaray heshiiskan wax yar kadib markii Itoobiya ay la gashay Somaliland bishii January is-afgrad la isku dhaafsanayo bad iyo aqoonsi.
Arrinta waxaa sidoo kale soo dedejiyay heshiiska kale ay wada gaareen Soomaaliya iyo Turkiga ee lagu doonayo in sahminta shidaalka ku jira xeebaha Soomaaliya la billaabo dhammaadka sannadkan, iyada maraakiibta baaraysa shidaalka ay u baahantahay ciidan ilaaliya.
Heshiiskan ayaa u fasaxaya shirkadda dowladda Turkiga ee TPAO in ay hawlo shidaal baaris ah ka samayso saddex baloog oo kala duwan oo ku yaalla badda Soomaaliya.
Mooshinka la horgeeyay Baarlamaanka Turkiga ayaa lagu codsaday in la ogaalado in madaxweyne Erdogan uu awoodi karo inuu xeebaha Soomaaliya u diro ciidamada lagama maarmaanka ah muddo laba sano ah oo lasii cusboonaysiin karo iyada oo laga jawaabayo codsi rasmi ah oo uga yimid dowladda Soomaaliya.



