Ankara (Dawan)- Turkiga ayaa ku dhawaaqay in uusan sii deyn doonin dal-ku-galka dalxiiska shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliya ee heysta baasaboorka loo yaqaano service passport.
Go’aankan oo dhaqan galay laga soo bilaabo 18-kii bishan July ayaa waxaa uu kasoo baxay safaaradda Turkiga ee Muqdisho 15-kii isla bishaan July, inkasta oo aan la sheegin sababta ka dambeysa.
Sidoo kale warqad tix raac u ah go'aankaas laguna adkeynayo in loo hoggaansamo ayaa kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, waxaana lagu yiri; " Hadaba iyada oo la tixgelinayo dhaqanka diblomaasiyadda, waxaa lala socodsiinaya dhammaan Wasaaradaha iyo Hay'adaha kale ee dowladda isbeddelkaas, waxaana laga rajeynayaa inay ku wageliyaan shaqaalahooda"






