Ankara (Dawan)- Turkiga ayaa qorsheynaya inuu Soomaaliya usoo diro berri oo Axad ah Markab sida 3,000 oo tan oo ah gargaar bini aadantinimo, si wax loogu qabto dadka ku dhibaateysan gudaha dalka.
Hay’adda Maareynta Masiibooyinka iyo Gurmadka Degdegga ah ee Turkiga (AFAD) oo warbixin soo saartay maanta ayaa sheegtay in la diyaariyay markabka loogu magac daray " Markabka Khayrka" iyada oo taageero laga helayo Bisha Cas ee Turkiga iyo Ururrada Rayidka ah si ay gacan ugu fidiyaan shacabka Soomaaliyeed.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in daadadka ku dhuftay Soomaaliya tan iyo sanadkii hore ay sababeen xaalado bini'aadanimo oo saamayn ku yeeshay nolosha malaayiin qof.
Sanadkii hore, Soomaaliya waxaa ku dhuftay daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah, waxaana ku naf waayay in ka badan 100 qof.





