Ankara (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu si gooni-gooni ah ula kulmo mas'uuliyiinta Soomaaliya iyo Itoobiya, ka hor inta aan la isagu imaanin kulan kale oo seddexaad, sida uu u sheegay wakaaladda wararka ee Anadolu.
Tillabdaan ayaa qayb ka ah dadaallada uu Tukigu ku doonayo in lasoo afjaro khilaafka u dhexeeya labada dal ee deriska ah ee ka dhashay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya la gashay Somaliland si ay u hesho deked.
Ankara waxay martigelisay laba wareeg oo wadahadallo ah oo aan wax natiijo ah kasoo bixin. Sidoo kale waxaa baaqday wareeg seddexaad oo qorsheysnaa inuu dhaco 17kii bishaan September.
Fidan waxa uu tilmaamay in dowladdiisu sii wadi doonto xiriirka ay la sameyneyso Soomaaliya iyo Itoobiya heer wasiir iyo heer madaxweyne, wuxuuna rajo ka muujiyay in xal laga gaari doono khilaafka, isaga oo tilmaamay inuu jiro isu soo dhawaansho.
"Waxaan aaminsanahay inaan isu soo dhaweynay dhinacyada, waxaana rajeyneynaa inaan sii wadno arrintan. waxaa noo socda wadahadallo heer hoggaanka sare ah iyo sidoo kale heer wasiir, rajo wanaagsan ayaan qabaa" ayuu yiri Fidan






