By Bakar Osman
Xisbiga talada haya ee Turkiga, AK Party, iyo xisbiga xukunka haya ee Jabuuti, RPP, ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi, kaas oo lagu xoojinayo xiriirka ganacsiga, dhaqaalaha, iyo amniga iyadoo Jabuuti ay tahay marin istiraatiiji ah oo muhiim u ah Geeska Afrika.
Xisbiyada xukunka haya ee Jabuuti iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiisyo iskaashi oo lagu xoojinayo xiriirka ganacsiga, dhaqaalaha, iyo amniga. Xafladda saxiixa ayaa ka dhacday magaalada Ankara, halkaas oo mas’uuliyiinta labada xisbi ay si rasmi ah u adkeeyeen iskaashiga ay yeelanayaan.
Heshiiska ayaa waxaa dhanka Jabuuti u saxiixay Ilyaas Muuse Dawaleh, Wasiirka Maaliyadda iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ururka Dadweynaha ee Horumarka (RPP), halka dhanka Turkiga uu u saxiixay Zafer Sırakaya, Guddoomiye Kuxigeenka Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarka (AK Party).
Kadib saxiixa heshiiska, Dawaleh ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid muhiim ah oo sii xoojinaya xiriirka labada xisbi ee xukunka haya ee Jabuuti iyo Turkiga.
"Sharaf weyn ayey ii tahay saxiixa iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya #RPP & #AKParti. Jabuuti iyo Turkiga waxay wadaagaan taariikh dheer, xiriirkooduna wuu sii xoogeysanayaa," ayuu ku qoray bartiisa X (Twitter).






