Tunisia (Dawan)- Tunisia waxaa maanta oo Axad ah loo dareeray doorashada madaxtinimada iyadoo uusan jirin mucaarad xooggan oo ka soo horjeeda madaxweynaha talada haya Qays Saciid oo la saadaalinayo inuu markale si fudud ugu guuleysan karo doorashada.
Qays Saciid oo ah khabiir dhanka Dastuurka ayaa ka taqalusay dhammaan xisbiyadii xoogaana ee ka jiray Tuunis, sida Al-nahda iyo shakhsiyaadkii mucaaradka ahaa muddadii shanta sano ahayd ee uu xilka hayay.
Doorashada waxaa ku tartmaya kaliya seddex murashax oo kala ah Madaxweyne Qays Saciid oo 66 jir ah, Suhair Al-Maghzawi (59 jir) iyo Cayaashi Samaal oo 47 jir kuna jira xabsi.
Tirada codbixiyaasha ee isdiiwaan galisay ayaa dhan 9 milyan 753 kun iyo 217 qof kuwaas oo ka codeyn doona ilaa 5 kun oo goobood inta u dhaxaysa 08:00 ilaa 18:00 ee wakhtiga maxaliga ah.



