Riyaad (Dawan)- Isbaheysiga ciidanka wadamada Islaamka ah ee la dagaalanka Argagixisada ayaa shaaciyay in xarunta Isbaheysiga Islaamka uu soo gaaray wakiilka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuure, isaga oo noqon doona wakiilki 33-aad ee ka shaqa billaaba xarunta Isbaheysiga.
Xoghayaha Guud ee Isbaheysiga Sareeye Guuto Maxamed Bin Saciid , ayaa faah faahin ka bixiyay imaanshaha Wakiilka Soomaaliya ee Xarunta Isbaheysiga Islaamka, si uu u guda galo shaqadiisa
Xoghayaha ayaa ku bogaadiyay dowladda Soomaaliya in ay soo dirto wakiilkeeda u qabilsan Isbaheysiga taas oo muujineysa sida ay uga go'antahay cirib tirka kooxaha argagixisada iyo ka qeyb qaadashadeeda dadaalada looga hortegayo xagjirnimada.





