Kabul (Dawan)- Ugu yaraan 20 qof oo ay ku jiraan carruur ayaa ku dhintay maanta oo Sabti ah doon ay ku safrayeen oo kula degtay wabi ku yaalla gobolka Nangarhar ee bariga dalka Afghanistan.
Mas'uu ka tirsan gobolka ayaa bartiisa X kusoo qoray; " Doon ay saarnaayeen haween iyo carruur ayaa ku degtay maanta oo Sabti ah, wabi ku yaal agagaarka Pasol, saacaddu marka ay ahayd todobadii subaxnimo"
Mas'uulka ayaa intaas ku daray in doonta ay saarnaayeen 25 qof iyada oo ay badbaadiyeen kaliya shan qof.





