Baydhabo (Dawa) – Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah xarigga uga jartay 23kii bishaan dhismayaal cusub oo casri ah oo loogu talagalay Wasaaradaha Cadaaladda iyo Amniga Gudaha. Xarummadan oo laga dhisay meel istiraatiiji ah oo ku taal magaalada Baydhabo ayaa loo habeeyay si ay ugu fududaato wasaaradaha bixinta adeegyada bulshada.
Dhismaha Mashruucaan waxaa si wadajir ah u hirgeliyay Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) iyo Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Dowladda Ingiriiska (FCDO), waxaana ujeedkiisu yahay in la xoojiyo awoodda hay’adaha dowliga ah ee ka howlgalaya meelaha lagala wareegay Al-Shabaab.
Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), oo si rasmi ah u furay xarumahaas, ayaa sheegay in dhismayaashan cusub ay yihiin tallaabo weyn oo lagu xoojinayo dowlad-dhisidda iyo bixinta adeegyada aasaasiga ah ee ay bulshada u baahan tahay.



