Malawi (Dawan)- Qaxooti badan oo ay mid yihiin Soomaali kuwaas oo tobanaan sano ku noolaa Malawi, ayaa haatan dib ugu laabanaya dalalkoodii iyada oo loo marayo barnaamij dib-u-celin aan qasabka ahayn oo ay iska kaashanayaan dowladda Malawi iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ee Qaxootiga (UNHCR).
Barnaamijkan, oo si gaar ah loogu talagalay qaxootiga doonaya inay dib ugu laabtaan dalalkoodii, ayaa lagu bilaabay wada-shaqeyn lala yeeshay UNHCR si loogu abuuro "meel ammaan ah" oo ay qaxootigu ku laaban karaan iyaga oo aan wax caqabad ah kala kulmin, sida ay sheegtay Hilda Kausiwa, oo ah maareeyaha sare ee Waaxda Qaxootiga ee Wasaaradda Amniga Gudaha ee Malawi.
Illaa 53,000 oo qaxooti ah oo ka yimid dalalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), Rwanda, Burundi, Itoobiya, Eritrea, iyo Soomaaliya ayaa ku noolaa Xerada Qaxootiga ee Dzaleka tan iyo sagaashamaadkii. Barnaamijkan ayaa haatan taageero ballaaran ka helaya qaxootiga, iyadoo ilaa 200 oo qof ay dib ugu laabteen dalalkoodii, halka 800 kale ay qorsheynayaan inay laabtaan.



