New York (Dawan)- Warbixin ay soo saareen Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta ee UNICEF iyo Bangiga Adduunka ayaa lagu xaqiijiyay in 333 malyan oo carruur ah ay wajahayaan faqri aad u xun.
Warbixinta ayaa sheegtay in cudurkii coronavirus, colaaadaha , isbeddelka cimilada iyo dhaqaala xumidu ay sababeen in faqrigu ku baahdo dunida.
Baaritaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in mid ka mid ah lixdii carruur ah uu ku noolyahay wax ka yar $2.15 maalintii, sida lagu sheegay warbixinta.
"Dunida ay ku nool yihiin 333 milyan oo caruur ah kuwaas oo ku jira xaalad adag oo faqri ah, oo aan heli karin baahiyaha aasaasiga ah iskaba daaye fursado iyo rajo kale,waa arrin aan loo dulqaadan karin" ayuu yiri, gaasimaha Bangiga Adduunka u qaabilsan arrimaha saboolnimada iyo sinnaanta Luis Felipe López Calva.
Dhankeeda , Agaasimaha Fulinta ee UNICEF Catherine Russell ayaa xusaty in dhibaatooyinka sii xumaanaya ee ka dhashay saameynta Covid-19, iskahor imaadyada sababa dagaallada, isbeddelka cimilada iyo jahawareerka dhaqaalaha adduunku ay caqabad ku noqdeen horumarka carruurta maanta la daala dhaceysa saboolnimada.





