Gaza (Dawan)- Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee Falastiin (UNRWA) ayaa sheegtay in shaqada ugu weyn ee hay’addu ay ka waddo Marinka Gaza ay tahay inay taageerto 1.7 milyan Falastiiniyiin ah kuwaas oo ah barakacayaal ah.
Sidaas waxa lagu sheeggay warqad uu agaasimaha xafiiska UNRWA ee Washington, William Deere Arbacadii u diray, Aqalka Wakiilada Mareykanka.
Agaasimaha waxa uu tilmaamay in hay’addu ay isku dayayso in ay caawiso 1.7 milyan qof oo barakac ah iyada oo loo marayo 154 xarumood oo ku yaala Gaza iyo nawaaxigeeda.
Waxa uu intaas ku daray in weerarada Israel ay saameeyeen xarumaha hay’adda ayna sababeen dhimashada 330 qof tan iyo 7-dii October.
William Deere waxa uu sheegay in aysan hadda ka jirin Marinka Gaza meel nabdoon, isla markaana aan la aqbali karin in Israa’iil ay beegsato xarumaha ay isticmaalaan dadka rayidka ah ee hoos yimaada UNRWA.
Waxa uu carabka ku adkeeyay in deeqaha ay bixiyaan Mareykanka ama wadamada kale in aysan gacanta ku gelin kooxo aragagixiso ah, wuxuuna tilmaamay in uu jiro kormeer xooggan oo ku saabsan arrimaha deeqaha.
Agaasimaha xafiiska UNRWA ee Washington, waxa uu cadddeeyay in dhamaan shaqada Hay’adda ay u furan tahay Bulshada Caalamka gaar ahaan Hay’adaha Qaramada Midoobay, islamarkaana ay cid walba la socon karto sida ay u shaqeyso iyo goobaha ay ku bixiso deeqaha uga yimaada Dowladaha Caalamka.



