Muqdisho (Dawan)- Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, ay soo gabagabaynayso hawsheeda Soomaaliya bisha May ee soo socota.
“Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in Soomaaliya ay guuleysan doonto. Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo ay wehliyaan saaxiibada caalamiga ah, waxa ay sii wadi doonaan kaalintooda muhiimka ee lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee cagta saaray waddada nabadda iyo xasilloonida" ayay tiri, Catriona Laing.
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, ayaa intaas raacisay in ay sii wadi doonto taageerada iyo u doodista Soomaaliya meel kasta oo ay joogto.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska UNSOM, hawlgalka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa ku eg 21-ka May.
Maxaa soo dedejiyay soo gabagabeynta shaqada Catriona Laing?
Wararka qaar ayaa tibaaxaya in dowladda Soomaaliya ay dacwad ka gudbisay Catriona Laing, sidoo kalena ay dalbatay in la beddelo inkasta oo aysan soo saarin war si rasmi ah oo xaqiijinaya arrintaan.
Catriona Laing ayaa safar ku tagtay magaalada Garoowe, markii ay Puntland ku dhawaaqday in ay xiriirka u jartay dowladda Federaalka, waxeyna ku sheegtay war-saxaafadeed ay soo saartay booqasheeda kadib in mustaqbalka Soomaaliya uu halis ku jiro haddii aan Puntland si buuxda looga qeyb gelin hannaanka dowladnimada ee socda.



