Cammaan – 27 Diseembar 2025 (Dawan)– Dowladda Urdun ayaa xaqiijisay taageeradeeda buuxda ee madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo si cad u diidday ku dhawaaqista aqoonsiga isdhaafsiga ah ee ay kala saxiixdeen Israa’iil iyo Somaliland.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta Urdun ayaa tallaabadaas ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, isla markaana ah ku tumasho toos ah oo lagu sameeyay madax-bannaanida Soomaaliya.
Afhayeenka rasmiga ah ee wasaaradda, Danjire Fouad Al-Majali, ayaa sheegay in Urdun si buuxda u diidayso isku day kasta oo lagu abuurayo hay’ado ama maamullo isbarbar socda oo halis gelinaya midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.








