Muqdisho, 13, December, 2025 (Dawan)- Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in la soo gabagabeeyay muddadii loo asteeyay ururrada siyaasadeed ee soo gudbinta musharrixiinta u tartamaya Doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, kaddib markii 20 urur siyaasadeed ay dhammeystireen hanaanka diiwaangelinta.
Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay guddiga ayaa lagu caddeeyay in liisaska musharrixiinta si buuxda loo xiray, isla markaana dhammaan 20-ka urur ee ka qeybgalaya ay soo gudbiyeen liisaskooda musharrixiinta. Guddigu wuxuu sheegay in marxaladda xigta ay noqon doonto hubinta, kala saarista iyo shahaado-siinta musharrixiinta u qalma inay u tartamaan doorashada.
“Guddigu wuxuu si rasmi ah u shaacinayaa in la soo xiray hanaankii qabashada liisaska musharrixiinta ururrada siyaasadeed, kaas oo bilowday mar hore, isla markaana ku soo dhammaaday 20 urur siyaasadeed ayaa si buuxda u soo gudbiyay liisaskooda musharrixiinta Doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri bayaanka guddiga.
Ururrada siyaasadeed ee xaqiijiyay ka-qaybgalka doorashada ayaa kala ah: Ramaas, Tawfiiq, Karama, Saab, Hormar iyo Midnimo Qaran, Muwaadiniinta Soomaaliyeed, Midnimada Shacabka, Qaranka Dimuquraadiga, Qiimo Qaran, Cadaaladda iyo Wadajirka, Dimuquraadiga Soomaaliyeed, Madalsan, Socod, Dowlad-wanaagga Soomaaliyeed, Cadaaladda iyo Midnimada Tiir, Horyaal Qaran, Soomaalinimo, Qaransoor, Sincad iyo Dadka Soomaaliyeed.





