Abuja (Dawan)- Urur Goboleedka ECOWAS ayaa sabtidii ka qaaday cunaqabatayntii dhaqaale iyo xayiraaddii dhanka socdaalka ee lagu soo rogay dalalka Niger, Mali iyo Burkina Faso.
Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Guddiga ECOWAS, Cumar Aliu Touray, ka dib shir uu ururkaas ku yeeshay Caasimadda Nigeria ee Abuja.
Touray waxa uu yiri, "cunaqabatayntii saaraneed saddexda waddan oo ay ciidamadu maamulaan - Niger, Mali iyo Burkina Faso - si degdeg ah ayaa looga qaaday"
Maalmo ka hor, Mas'uul ka tirsan hoggaanka Ururka ayaa sheegay in ECOWAS ay qaadi doonto cunaqabateyntii ganacsiga iyo xayiraaddii dhanka socdaalka ee lagu soo rogay saddexda waddan, taas oo looga gol lahaa in lagu xakameeyo afgambigii militari ee ka dhacay dalalkan 2023, 2022 iyo 2021.
28-kii January 2024, Niger, Mali, iyo Burkina Faso waxay ku dhawaaqeen in isaga baxeen Ururka ECOWAS, iyagoo ku eedeeyay in Ururku uusan kasoo bixin ujeedadii loo aas-aasay, sidoo kalena uu wax ka qaban waayay dhibaatootinka ka jira Gobolka sida argagixisada.




