Jeddeh (Dawan)- Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa si cad u cambaareysay una diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, inay tahay dowlad madaxbannaan, waxa uuna tallaabadan ku tilmaamay xadgudub weyn oo ku dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeedka ururka ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay faragelin toos ah oo ka dhan ah arrimaha gudaha Soomaaliya, isla markaana ka hor imaanaysa shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da midoowga dowladaha Islaamka, sida ku cad Mabaadi’da Xeerka Ururka Iskaashiga Islaamka, Mabaadi’da Qaramada Midoobay, iyo sharciga caalamiga ah, kuwaasoo dhammaantood xoojiya ixtiraamka xuduudaha iyo madax-bannaanida dalalka xubnaha ka ah.





