Nairobi (Dawan)- Ururka Macallimiinta dalka Kenya ayaa ka codsaday dowladda in tababar iyo hub la siiyo Macallimiinta ka howl gala deegaanada ay ka jirto amni darrada.
Edward Obwocha oo ah Xoghayaha Ururuka Macallimiinta Kenya ayaa codsigaan ka sheegay kulanka Golaha Guud ee Ururka ee sannadkaan lagu qabtay Ismaamulka Isiolo.
Xoghayaha Ururuka ayaa sheegay in qaar ka mid ah Macallimiinta ay ka shaqeeyaan goobo ay ka jiraan colaado iyo amni darro, iyada oo haddii Macallinku naftiisa u baqo laga joojinayo shaqada.
Obwocha ayaa qaab su'aal ah u weydiiyay dowladda, muxuu Macallinku isku difaacaya haddii qofka soo weeraray uu sito hub? ma Tabaashiirta/jeestada uu sabuuradda ku qoro?





