Muqdisho (Dawan)- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa cambaareeyey xarigga Agaasimaha Dawan Media Group Cali-Nuur Salaad loogu gaystay magaalada Muqdisho galabnimadii Isniinta, wuxuuna Ururku ku baaqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo.
“Waxaan si adag u cambaaraynayaa xadhiga Calinuur Salaad, maamulaha guud ee warbaahinta Dawan, waxaanan ugu baaqayaa in xoriyadiisa si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo soo celiyo" ayuu yiri; Xoghayaha Guud ee SJS Cabdalle Muumin.



