Marrakesh (Dawan)- Ciyaariyahanka u dhashay dalka Nigeria Victor Osimhen, una ciyaara kooxda reer Talyaani ee Napoli, ayaa xalay loo caleemo saaray ciyaariyahankii ugu fiicnaa qaaradda Afrika xilli ciyaareedka 2023-ka.
Victor Osimhen ayaa abaal marinta lagu guddoonsiiyay xafladdda xiriirka kubadda cagta Afrika (CAF) ee sannadkaan lagu qabtay magaalada Marrakesh ee dalka Morocco.
Ciyaariyahankaan kasoo jeeda dalka Nigeria ayaa ka guuleystay labadii ciyaariyahan ee kula jirtay tartanka adag kuwaas oo kala ahaa Maxamed Salaax oo u dhashay Masar, una ciyaarya Liverpool, iyo xiddiga reer Morocco ee Achraf Hakimi, oo u ciyaara kooxda Paris Saint-Germain.
Osimhen ayaa wacdaro ka dhigay horyaalka Talyaaniga , isagoo xilli ciyaareedkii hore markii ugu horeysay ku hogaamiyay kooxda Napoli hanashada horyaalka Talyaaniga 33 sano ka dib, isagoo sidoo kale ku guuleystay gooldhalinta horyaalka.






