Muqdisho (Dawan)- Waxaa qortay Xildhibaan Maryan Faarah Kaahiye
Waxaa nasiib darro ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku guul daraystay in uu dhallinyaradii Soomaaliyeed dalkooda hooyo shaqo abuur ugu sameeyo, haddana uu ku amray dalalka ay u doonteen nolol iyo wabarsho in Soomaaliya dib loogu soo celiyo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ma eegin duruufaha dhallinyarada dibadda u qaxay iyagoo raadinayo amaan,nolol iyo Waxbarasho, sidoo kalana wuxuu halmaamay xaaladda dalku ku sugan yahay oo isaga looga fadhiyo in uu wax ka beddalo!
Waa xaq in Soomaaliya dalkoodii hooyo tahay balse waxaa sharaf dhac ku ah Madaxweyne Xasan in dalkoodii nabad iyo xasilooni uu ku soo dabbaliwaayey ka hor inta uusan wadahadal ka gelin arrinkaas.
Madaxweynaha waxaa la gudboonaa in uu dalka Jarmalka ka codsado in gacan laga siiyo sidii dhallinyarada dalkoodii loo xasilin lahaa, kaddibna shaqo abuur iyo Waxbarasho loogu helilahaa.






