Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa soo saartay xeer nidaamiyaha jaangoynta khidmada adeegyada Aqoonsiga Kaarka.Sida qoraal kasoo baxay Wasaaraadda lagu sheegay, ujeedooyinka xeer-nidaamiyaha ayaa ah jaangoynta khidmadaha aeegyada Aqoonsiga Qaran ee ay bixiso Hay'adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka si loo fududeeyo adeegyada hay'dda.Qoraalka ayaa lagu sheegay in qof kasta oo ay hay'ddu u qabaneyso adeegyada Aqoonsiga Qaranka in laga rabo in uu bixiyo khidmada adeegga loogu qabanayo ee loo jaan gooyay.Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigtay jaantuska hoose ee noqon doona khidmada laga qaadayo qofka loo sameynayo kaarka Aqoonsiga.






