Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Jamhuuriyadda Masar kadib geeridii ku timid wasiirkeedi hore ee arrimaha dibadda sidoo kalena soo noqday xoghayihii ururka Jaamacadda Carabta, Dr. Nabiil Al-carabi .
Wasaaraddu waxay war-saxaafadeed ku tiri: “Annagoo si weyn ugu qanacsan qadarka Alle waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timid Danjire Nabil Al-carabi , wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Masar, ahaana xoghayihii guud ee ururka Jaamacadda Carabta , oo Isniintii, August 26, ku geeriyooday Qaahira.”
Wasaaraddu waxay si gaar ah ugu tacsiyeysay qoyskiisa, Shacabka iyo dowladda Masar, waxeyna Ilaah uga bariday inuu samir iyo iimaan ka siiyo.

Waa kuma Nabiil Al-carabi?
Al-carabi waxa uu dhashay sannadkii 1935-kii, isaga oo ka qalin jabiyay kuliyadda sharciga ee Jaamacadda Qaahira, ka dibna waxa uu shahaadada Master-ka ka qaatay sharciga caalamiga ah. Shaaadada PHD-na waxa uu ku qaatay kulliyadda sharciga ee jaamacadda New York.



