Washington (Dawan)- Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu si rasmi ah u aqoonsan yahay jasiiradaha Cook iyo Niue ee ku yaal badweynta Baasifiga.
Qorshaha Mareykanku ku aqoonsaday Jasiiradahaan ayaa loo arkaa tillaabo looga hortegayo saameynta dowladda Shiinuhu ku leedahay gobolka iyo sii xoogeysiga loolanka labada dowladood.
Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ee Mareykanka looga taliyo, ayaa lagu sheegay in Washington si rasmi ah ugu aqoonsatay labadaan Jasiiradood dalal madax bannaan ayna la yeelan doonto xiriir diblomaasiyadeed.
Bayaanka ayaa intaas ku daray in Mareykanka iyo Jasiiradahaan uu ka dhexeeyo xiriir taariikhi ah laga soo billaabo dagaalkii labaad ee adduunka markaas oo ciidamada Mareykanku ka dhisteen garoomo ay isticmaalaan diyaaradaha ciidanka.
"Ku dhawaaqistaan waxay awood noo siin doontaa inaan ballaarino iskaashi joogta ah ah, anaga oo raadineyno inaan wax ka qabanno caqabadaha ku horgudban dalalkeena" ayuu yiri, Joe Biden.
Biden ayaa intaas ku daray in aqoonsiga iyo iskaashiga labadaan dowladood uu wax ka tari doono yareynta kalluumeysiga sharci darrada ah, ka hortagga isbedelka cimilada iyo sidoo kale kor u qaadista kobaca dhaqaalaha.
Aqoonsiga labadaan dowladood ayaa kusoo aadaya iyada oo Mareykanku martigelinayo shir madaxeedka Jasiiradaha Baasifiga oo ka kooban 18 waddan, inkasta oo ay jiraan madax qaadacday shirka.



