Muqdisho (Dawan)- Ururka Xamaas ayaa ku dhawaaqay in Yaxya Sinwar loo doortay madaxa xafiiska siyaadda ee ururka, isaga oo bedeli doona hoggaamiyihii hore Ismaaciil Haniyeh oo lagu dilay magaalada Tehran ee dalka Iran, Arbacadii lasoo dhaafay.
War-saxaafadeed kaso baxay ururka ayaa lagu yiri; " Ururka Xamaas waxa uu ku dhawaaqaya in Yaxye Sinwar (61 jir) loo doortay madaxa xafiiska siyaasadda ee ururka, isaga oo beddelaya hoggaamiyihii shahiiday ee Ismaaciil Haniyeh."
Ururku ma sheegin wax faahfaahin ah oo intaas dheer.
Madaxda sare ee ururka Xamaas ayaa billoowday Sabtidii lasoo dhaafay wadatashiyo la xiriira sidii loo dooran lahaa hoggaamiyaha buuxinaya booski uu banneeyay Haniyeh oo lagu dilay dalka Iran kadib markii uu ka qayb galay caleema saarka madaxweynaha cusub ee Iran.





