Rwanda (Dawan)- Fayraska Marburg oo ah cudur dhiigbax ah oo si aad ah u faafa, ayaa Jimcihi ka dillaacay Rwanda, waxaana uu durba sababay geerida 6 qof iyo in uu dad badan soo ritay haba ugu badnaadaan dadkaas shaqaalaha caafimaadka, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka dalkaas.
Ugu yaraan 26 xaaladood oo cudurka fayraska Marburg ah, oo ay ku jiraan lix dhimasho, ayaa laga diiwaan geliyay Rwanda kadib markii uu cudurku ka dillaacay, sida ay xaqiijyeen masuuliyiinta caafimaadka Sabtidii.
Wasiirka Caafimaadka Sabin Nsanzimana ayaa sheegay in dadka dhibaneyaasha ah ay ku jiraan shaqaalaha caafimaadka, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya waaxda daryeelka degdegga ah
Nsanzimana waxa uu intaas ku daray in wasaaradda iyo la-hawlgalayaasheeda ay sameynayaan raadinta dadka la xiriiray bukaannada iyo kuwa geeriyooday.
“Waxaan ka shaqeyneynaa in si degdeg ah loo baaro dadka laga shakiyo si kuwa fayraska laga helo hore loogu daryeelo si loo joojiyo faafitaanka, loogana fogaado xaalado daran iyo dhimasho dheeraad ah,” ayuu yiri Nsanzimana.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa Jimcihii ku dhawaaqday in cudurka fayraska Marburg, oo ah xummad dhiigbax ah, lagu xaqiijiyay bukaanno kooban oo ku sugan xarumaha caafimaadka ee dalka.
Kadib markii cudurka fayraska laga helay Rwanda, hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay inay kordhineyso dadaallada lagu taageerayo dowladda si loo xoojiyo tallaabooyinka lagu joojinayo faafitaanka.





