Muqdisho (Dawan)- Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa isbuuci hore ansixiyay Xeer Nidaamiyaha hay’adda Sirdoonnka iyo Nabad sugidda qaranka.
Anisixinta xeer nidaamiyahaan ayaa daba socota Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, uu madaxweynaha Soomaaliya saxiixay 8-dii Maarso 2023 kadib markii uu soo maray labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, wuxuu qeexay Mabaadi’da hagaysa shaqada Hay’adda, wuxuuna xeeriyey arrimaha asaasiga ah ee khuseeya qaab-dhismeedka Hay’adda,maqaamkeeda sharciyeed, shaqadeeda iyo awoodaheeda. Wuxuu kaloocaddeeyey xuquuqda asaasiga ah ee xubnaha Hay’adda, awoodahooda,waxayaabaha ka reebban, waajibaadka iyo hawl-gelinta ciidanka iyo arrimo kaleoo muhiim u ah shaqada HSNQ.
Marka intaas laga soo tago waxaa uu Sharcigu qeexay in Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka yeelaneyso Xeer Nidaamiye dhammeystiraya isla markaana faahfaahinaya arrimo badan oo shaqada HSNQ lama huraan u ah, oo sharciga Hay’addu u dhaafay in Xeer Nidaamiyuhu xeeriyo.
Waxyaabaha muhiimka ah ee sharciga HSNQ uu tilmaamay in lagu nidaamiyo ama uu u xawilay in loo raaco si waafaqsan Xeer-nidaamiyaha Hay’adda waxaa ka mid ah:
Qodobka ugu muhiimsan ayaa loo arkaa qodobka qeexaya qofka noqonaya sii-hayaha xilka iyo xafiiska Agaasimaha Guud/Taliyaha ee Hay’adda markii uu bannaanaado sabab ay ahaataba.
Golaha Wasiiradda ayaa soo magacaabaya sii hayaha hadii uu agaamiha xilka ku banneeyo sabab aan soo noqosha lahayn, halka marka uu dalka dibadiisa u safro uu isaga magacaabayo sii hayaha.





