Muqdisho (Dawan)- Golaha Wasiirada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay 26-ka bishaan October, sharciga la dagaalanka burcad badeedka iyo ka hortagga afduubka.
Xeerkani waxa uu wax ka beddelayaa Xeerki 1975, waxaana soo gudbiyay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya.
Golaha Wasiirada ayaa kulankoodi todobaad laha ah (Khasmiisti) ku meel mariyay sharcigaan, kaas oo ujeedadiisu tahay in lagu ogaado laguna xakameeyo dambiyada la xiriira burcad badeedka iyo afduubka, iyadoo sare loo qaadayo ammaanka xeebaha Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah iyada oo sidoo kale ciqaab caddaalad ah la marsiin doono dadka lagu helo dambiyadaas.
Dhaqangelinta sharcigan ayaa noqon doonta dadaal istaraatiijiyadeed oo muhiim ah laguna xakameynayo dhaqdhaqaaqyada burcad-badeednimada iyo xaqiijinta hannaan garsoor oo caddaalad hufan, looguna talagalay eedeysanayaasha iyadoo la ilaalinayo xuquuqdooda.
Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya Xasan Macallin, ayaa tilmaamay muhiimadda uu sharcigan u leeyahay wax ka qabashada caqabadaha la xiriira arrimaha badda, asagoo sheegay in ay lama huraan tahay in sharciyada Soomaaliya ay la jaan qaadaan heerarka caalamiga ah oo ay daboolaan baahiyaha sharci ee bulshada.



