Boosaaso (Dawan)- “Wax dhib ah ama dagaal ah oo dawladdu waddo kama jiro Boosaaso” waxaa sidaas yiri, Taliska qaybta booliska gobolka Bari.
Taliska qaybta booliska gobolka Bari iyo maamulka degmada Boosaaso ayaa shir jaraa'id oo wada qabteen ku sheegay in magaalada Boosaaso aysan ka jirin wax amni xumo ah. Waxay sidoo kale sheegeen in magaalada ay deggan tahay, Hadalkaan aya daba socda kadib markii Ciidadan PSF ay shacabka ku amreen shalay inay ka fogaadaan agagaarka garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.
Taliska booliska iyo maamulka degmada Boosaaso ayaa sidoo kale digniin u diray wadayaasha gaadiidka, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay barakicin ku samaynayaan bulshada si ay dhaqaale uga sameeyaan.



