Ankara (Dawan)- Wajiga koowaad ee wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ee xiisadda badda ayaa kusoo dhamaaday natiijo la'aan, iyada oo lagu ballamay in la isagu soo nqodo wajiga 2-aad billoowga bisha September ee soo socota.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa warbaahinta u sheegay in wadahadalladii maanta laga gaaray horumar iyada oo labada dhinac ay muujiyeen inay diyaar yihiin xallinta xiisadda taagan.
War-saxaafadeedka wadajirka ah oo nusqo ka mid ah ay soo gaartay Dawan TV ayaa lagu yiri; " Wasiirrada Soomaalida iyo Itoobiya waxay ku celceliyeen sida ay uga go'an tahay in si nabad ah lagu xalliyo khilaafaadka waxayna Turkiga uga mahadcelinayaan fududaynta iyo sidoo kale wax-qabadkeeda joogtada ah"
Wasiirradu waxay isla garteen in la sii wado wada-hadallada socda si loo xalliyo xiisadda jirta loona xaqiijiyo xasilloonida gobolka.
Dhanka Soomaaliya, War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada wafdi aysan isku hor fadhiisan fool ka fool, balse mas'uuliyiinta Turkigu ay u kala dab qaadayeen labada dhinac, iyada oo wafdiga Soomaaliya uu ku adkaystay mowqifkii hore ee ahaa ilaalinta Midnimada iyo Madaxbanaanida Qaranka.



