Muqdisho (Dawan) – Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa sheegay in wafdi ka kooban 16 xubnood oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Masar ay soo gaareen magaalada Muqdisho, si ay u sameeyaan indho-indheyn ka hor inta aan la keenin cutubyo ciidan oo Masar ah oo qeyb ka noqon doona AUSSOM.
Sida uu sheegay howlgalka, wafdiga waxaa hoggaaminayay Islam Radwan, waxaana soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan AUSSOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).
AUSSOM ayaa tilmaantay in wafdiga uu kulan la qaatay hoggaanka howlgalka oo uu madax ka yahay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, isla markaana ay ka qeyb galeen warbixin amni oo lagu qabtay xarunta taliska AUSSOM ee Muqdisho.






