Jabuuti (Dawan)- Jabuuti waxaa booqasho ku tegay Talaadadii wafdi heer sare ah oo ka socda Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), oo ay hoggaaminayso Agaasime Demitta Chinwude.
Ujeeddada booqashadu waxay tahay in la qiimeeyo shaqada aagga ganacsiga xorta ah ee Jabuuti, iyada oo la eegayo kaalinta ay ku leedahay horumarinta ganacsiga qaaradda.
Jabuuti waxay wafdiga soo bandhigtay howlaha ay qabato xarunta DPFZA iyo sida ay uga qayb qaadato fududeynta isu socodka ganacsiga xorta ah iyo isku xirka qaaradda iyo dunida kale.
Guddoomiyaha Maamulka Dekedaha iyo Goobaha ka caagan canshuuraha ee Jabuuti, Abuukar Cumar Haadi iyo wafdiga AfCFTA ayaa kawada hadlay hindisayaal dhowr ah iyo hal abuuro horseed u noqon kara horumarka ganacsiga gobolka.
Fududeynta iyo is waydaarsiga Ganacsiga
Qorshayaasha la isla meel dhigay waxaa ka mid ah fududeynta xamuulka badda iyo hawada ee badeecadaha isaga gooshaya Arika oo dhan. Nidaamkani waxa uu si weyn hoos ugu dhigay wakhtigi iyo kharashaadkii ku bixi jiray, waxa uuna hadda isku xiraa 27 magaalo oo ku kala yaala 24 wadan oo Afrikaan ah, taas oo Jabuuti ka dhigtay inay xudun ku noqoto isku xirka ganacsiga qaaradda.
Qorshaha kale ee uu soo bandhigay wafdiga AfCFTA waxaa ku jira Waddada Tareenka ee Afrika taas oo la doonayo inay isku xirto Badweynta Hindiya iyo Badweynta Atlaantigga.




