Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo dhaweysay wafdi ballaaran oo ka socda Jaamacadda Carabta, si ay wadahadallo ula yeeshaan Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo hay’adaha waxbarashada ee dalka.
Wafdiga, oo uu hoggaaminayay xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta u qaabilsan arrimaha waxbarashada, dhaqanka iyo cilmiga, Maxamed Ould Acmar, ayaa ujeedkiisu ahaa indha-indheyn lagu sameeyo xaaladda guud ee waxbarashada Soomaaliya, isla markaana lagu xoojiyo iskaashiga dhinacyada horumarinta tacliinta iyo barashada af-Carabiga.
Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo wafdiga qaabilay, ayaa sheegay in booqashadu ay muhiim u tahay horumarinta waxbarashada dalka, isla markaana ay fursad u tahay wada-tashi laga yeesho sidii sare loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada iyo doorka af-Carabiga ee nidaamka tacliinta.





