Muqdisho (Dawan)- Wafdi ka kooban xildhibaano oo ka socda Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika ayaa soo gaaray maagalada Muqdisho, waxaana soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo uu hoggaaminayo Habdhowre Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Cabaas Cali Ibraahim.
Wafdigan oo casuumaad rasmi ah ka helay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqasho labo maalin ah ku joogi doona magalada Muqdisho, iyagoo la kulmi doona guddoonka labada aqal iyo madaxda kale ee dowladda.
Xildhibaannadan ayaa Baarlamaanka Soomaaliya warbixin ka siin doona qaabka loo dhisaayo xildhibaannada Soomaaliya ku matali doona Bulshada Bariga Afrika.






