Hargeysa (Dawan)- Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ansixyey xeerarkii doorashooyinka ee ka soo gudbay shalay Golaha Guurtida.
Golaha Guurtida Somaliland ayaa shalay meel-mariyay xeerarka doorashooyinka kadib markii ay ogolaadeen 66 Xildhibaan halka uu hal Xildhibaan oo kaliya diiday.
Shirgudoonka labada Gole ee Wakiilada iyo Guurtida Somaliland ayaa heshiis ka gaaray dhamaadkii bishii hore khilaafkii ka jiray xeerarkii doorashooyinka iyo ururada siyaasadda, waxeyna soo saareen dhowr qodob oo ay ka mid ahayd in Golaha Guurtidu ay dib ugu celiyaan Madaxweynaha wax ka beddelka xeerka lr.91/2023 oo ah xeerka guud ee doorashooyinka iyo diiwan gelinta codbixinta iyo xeer lr 14/ 2023 oo ah xeerka nidaamka ururada iyo asxaabta siyaasadda
Arrimaha ay Labada Gole ku heshiiyeen waxaa sidoo kale ka mid ahaa in doorashooyinka isa saarka ah ee madaxtooyada iyo tartanka ururada/ siyaasada la qabto November 2024.



