Hargeysa (Dawan)- Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta meel mariyay qaraar ay kaga soo horjeedaan xeerkii ay Dowladda Soomaaliya ku burisay heshiiskii is-afgaradka Badda ee dhex maray Dowladda Itoobiya iyo Somaliland.
Qaraarka waxaa loogu magac daray "Ansixinta go'aanka diidmada ah ee xeerkii burinta heshiiskii is af-garadka ee Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland la gashay Ethiopia ee Baarlamaanka Soomaaliya soo saaray".
Qaraarka ayaa ka kooban shan qodob, waxaana ugu muhiimsan qodob tilmaamaya in Somalliland tahay Jamhuuriyad madax bannan oo xornimadeeda ka qaadatay Boqrtooyadii Ingiriiska 26 june 1960 sidoo kalena kala soo laabatay gooni isu taageeda Soomaaliya 1991.Sidoo kale waxa qodobka labaad lagu caddeeyay in Somaliand xaq u leedahay in ay heshiis la gasho dalal kale iyo hay'ado caalami ah hadii aysan ka hor imaaneynin danta iyo maslaxdda Somaliland.
Qaraarka ayaa lagu yiri, Go'aan kasta oo kasoo baxa Dowladda Soomaaliya oo la xidhiidha awoodaha hay'adaha dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo xil gudashadooda gaar ahaan waxa loogu yeeray Xeerka ku aaddana burinta heshiiskii is-afgaradka Dowladda Itoobiya iyo Somaliand ee Baarlamaanka Soomaaliya soo saaray 2/1/2023. … Goluhu wuxuu caddeynayaa in ay tahay fara gelin ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland, madax bannaanidda maamulka dhulkeeda, hawadeeda iyo baddeeda.






