Gaarisa (Dawan)- Kadib booqashadii guddiga horumarinta gobolka waqooyi-bari ee baarlamaanka Kenya ay ku tageen xerada Dhadhaab, hogaamiyayaasha Gaarisa ayaa digniin culus ka soo saaray saamaynta sii kordheysa ee qaxootiga ku yeelanayaan bulshooyinka deegaanka iyo kheyraadka.
Kulan ka dhacay magaalada Mombasa, ayaa lagu soo bandhigay caqabadaha dhaqaale iyo amni ee ay la kulmaan dadka deegaanka ee martigeliya qaxootiga ku jira xerada Dhadhaab.
Guddoomiyaha Gaarisa, Nathif Jaamac, ayaa hoosta ka xariiqay in qaxootiga ku sugan xerada Dhadhaab oo lagu qiyaasay ku dhawaad 500,000 ay si weyn u saameeyeen nolosha deegaanka, gaar ahaan dhanka kheyraadka iyo amniga. "Kororka tirada qaxootiga ee aan lahayn qorshe wax ku ool ah oo lagu maareeyo ayaa keentay in bulshooyinka deegaanka ay la kulmaan xaalufka kheyraadka iyo ammaan darro," ayuu yiri Jaamac, isaga oo ku baaqay in dowladda iyo hay'adaha ay khuseyso ay dejiyaan siyaasad degdeg ah oo wax looga qabto arrintan.





