Muqdisho (Dawan)- Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ugu baaqday Baarlamaanka Soomaaliya in ay diidaan wax ka beddelka dastuurka ee lagu dhimayo da'da qaan-gaarka iyada oo laga dhigayo 15 sano, taas oo caqabad ku noqon doonta ilaalinta xuquuqda carruurta, sida ay sheegtay Human Rights Watch
Wax ka bedelka la soo jeediyay oo la filayo in Baarlamaanka Soomaaliya u codeeyo maanta oo Sabti ah ayaa lagu kala saarayaa da'da qaan-gaarnimada ee shan iyo tobanka sano iyo da'da mas'uuliyadda oo ah siddeed iyo toban jir, .
Hay'addu waxa ay ku tilmaantay in tillaabadaas ay ka dhigantahay in qof kasta oo ka yar 18 sano inuu ku dhici karo xukun maxkamadeed, waxeyna xustay in da'da cusub ee qaan-gaarnimada ay horseedi doonto in ay sii kordhaan dhibaatada ay wajahayaan carruurta Soomaaliyeed.
Hay'addu waxa ay intaas raacisay in isbedelka cusub ee soo jeedinta Dastuurka ay saameyn ku yeelan doonto guurka gabdhaha ka yar 18 sano taas oo u keeni karta dhibaato caafimaad xilliga dhalmada iyo in ay waayaan xuquuqdooda waxbarashada.





