Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa uga digtay bulshada cudurka cusub ee Monkeypox (Mpox) kaas ku faafay qaar ka mid ah dalalka Afrika, lagana muujiyay walaac xoogan.
"Muwaadin Xanuunka Monkeypox (Mpox) waa cudur fayras ah oo laga qaado xoolaha inta badan waxa uu ka dhacaa Bartamaha iyo Galbeedka Afrika, hadase waxa uu u muuqdaa mid qatarihiisu sii badanayaan" ayaa lagu yiri, digniinta kasoo baxay Wasaaradda.
Wasaaradda ayaa ugu baaqday dadwaynaha inay xiriir lasoo sameeyaan haddii ay dareemaan astaamaha lagu garto cudurkan oo ay ka midyihiin finan kasoo baxa maqaarka, qandho, xanuunada madaxa, murqaha, dhabarka iyo tabaryari.

Hay'adda caafimaadka ee Midowga Afrika ayaa walaac ka muujisay cudurkan cusub ee ka dillaacay qaaradda Afrika, waxayna ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo caafimaad iyo in xukuumaduhu qaadaan tillaabo dheeraad oo dhanka caafimaadka la xiriira




