Laascaanood (Dawan) — Wasaaradda Gaadiidka Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday amarro adag oo ka dhan ah gaadiidka, darawallada iyo shirkadaha aan haysan rukhsadaha iyo dukumiintiyada waajibka ah ee sharcigu farayo.
Ogeysiis rasmi ah oo ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 1-da Febraayo aan loo oggolaan doonin in waddooyinka ka shaqeeyaan gaadiid ama darawallo aan haysan dukumiintiyada muhiimka ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin buugga milkiyadda gaadhiga, taarikada, kaadhka ama shahaadada aqoonsiga gaadhiga, iyo laysanka wadista darawalka.
Wasaaraddu waxay sheegtay in gaadiid kasta ama darawal kasta oo lagu qabto isaga oo aan wadan dukumiintiyada sharciga ah laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga, isla markaana lagu soo rogi doono ganaax lacageed oo u dhiganta xadgudubka la sameeyay.
“Laga bilaabo 1-da Febraayo, gaadiid kasta ama darawal kasta oo aan haysan dukumiintiyada sharciga ah ee wadista, sida buugga milkiyadda, taarikada gaadhiga, iyo laysanka wadista, looma oggolaan doono in uu ka shaqeeyo deegaanada Waqooyi Bari, waxaana laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah,”,” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka Waqooyi Bari Soomaaliya, Jaamac Muuse Faarax.





