Laascaanood (Dawan)– Booliska Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari ayaa si cad u beeniyay warar ku saabsan joogitaanka ururka Al-Shabaab ee magaalada Laascaanood, kaddib markii muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada lagu sheegay in xubno ka tirsan kooxdaasi ay halkaas ka hawlgalaan.
Bayaan ay soo saareen, Booliska Waqooyi Bari ayaa sheegay in baaritaan iyo xaqiijin kaddib ay ku soo gabagabeeyeen in muuqaalkaasi yahay mid la farsameeyay, laguna sameeyay garaadka macmalka ah (Artificial Intelligence), isla markaana ujeeddadiisu tahay sumcad-dil, cabsi gelin bulsho iyo marin-habaabinta hay’adaha amniga.
"Ciidanka Booliska Dawladda Waqooyi Bari baadhitaan lyo xaqiijin kaddib, wuxuu xaqiijinayaa in muuqaalkaasi yahay mid gabi ahaanba si liidata loogu farsameeyey garaadka macmalka ah (Artifical Intelligence) looguna talagalay sumcad-dil, cabsi gelin bulsho, iyo marin-habaabin amni” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.





